Maahmaahyo dadkii hore

Maahmaahyo dadkii hore

Aadme la aragyaaba, dhib la arag. Aan wada hadalno waa aan heshiino. Aar qoyey dacawo la mood. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.

Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa. Abuur iyo waano abuur baa horreysey. Adduun i khatal. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo. Adhi jiri ma kala abaal waydo. Adhi jiri xil bay wadaagtaa. Adhi magantii ma barriiyo. Adhi shidho laga daayo.

Siddee Ayuu Ahaan Jiray Jaceylkii Horre?

Adhi-jiri ma kala abaal weydo. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari. Aduun wey ki amoodeey ogaaw. Af aamusani marti ma sedo. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho. Af aanad lahayn lama qabto. Af daboolan dahab.

Af hadlaaba aamus. Af jabtay sideedii ma noqoto. Af jooga looma adeego. Af macaan gacan macaan baa dhaanta. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa. Af waa kane, maxaa lagu aamaa Af wax cunay xishoo. Afar gacmood abaar ka daran Hunguri weyni waa cudur.Qolo kasta oo ka mid ah bulshooyinka aadamiga ee dunida guudkeeda ku dhaqani, waxay leedahay hidde iyo dhaqan iyada u gaar ah, hidde iyo dhaqan soo jireen ah oo facba faca ka dambeeya ka sii dhaxlo.

Hiddaha iyo dhaqanka bulshada, waxaa saldhig u ah oo ay ka abuurmaan, arrimaha ay ka mid yihiin; cimilada degaanka, qaab dhismedka dhaqan dhaqaale, is badallada taariikheed ee bulshadaasi samayso iwm. Hiddaha iyo dhaqanka bulshadu waxay saamayn ku leeyihiin, ilbaxnimada iyo horumarka mujtamaca, haddii hiddaha iyo dhaqanku gaabiyaan, amaba marin weecdaan, horumarka iyo ilbaxnimada ayaa iyaguna marin weecda.

Hiddaha iyo dhaqanku waa waxa bulshadu isku af garato oo is fahamsiiya, marka hiddaha iyo dhaqanka laga tagana, waa marka bulshadaasi iska hor timaaddo, is maandhaafka dhexdeeduna bato. Somaliya waxaa ay dhacdaa Geeska Afrika waxaana loo yaqaan Geeska Afrika. Baxaadda dhulka Somaliya waa Heer-kulka: Cimilada Somaliya waa dal kuleyle ah oo qallalan heerka qiyaasta heerkulka Somaliyana waxaa lagu tilmaamaa qiyaas 27c qiyaas dhexe sannadka oo dhan.

Isirka: Dadka Somalida ahi waa dad isku Isir ah, isku Af ah, isku Diin ah, balse waa dad had iyo jeerba qabiil isu laaya oo u dagaallama isuguba hiilliya. Affka Carabiga ayaa isagana sannadkii kii loo aqoonsaday Afka labaad ee rasmiga ah ee Somaliya looga hadlo. Aqoonsiga Afka carabiga loo aqoonsaday Afka labaad ee rasmiga ah ee Somaliya looga hadlo waxaa keenay laba sababood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah; 1.

Somaliya oo xubin buuxda ka ah ururka dalalka Jaamacadda Carabta. Labadaasi arrimood ee muhiimka ah ka sokow, Af Somaliga iyo Afka Carabiga waxaa ka dhexeeya xiriir dhinaca xarfaha alfa beetada ah iyo dhawaaqa erayadaqaarkood, waxaana jira erayo aad u tira badan oo Af Somali ah isla markaasna macne ahaan iyo dhawaaq ahaanba ay Afka Carabiga isku mid yihiin, waxaana ka mid ah Amar, Aadaab, Akhlaaq, Asluub, Badow, Baadiye, Berriga, Dawlad, Dukaan, Dambi, Caqli, Cilmi, Xukuumad, Xukun, Xurmo, Siyaasad, iyo kuwo kaleba.

Dhanka kalena waxaa jira erayo Af Somaliga iyo Carabiga isku macne ah laakiinse dhawaaqa ku kala duwan. Sidaas awgeed ayaa af Carabigu Afafka kale uga dhaw yahay dadka Somalida ah. Cimriga dadka: Ragga Somalida cimrigooda waxaa lagu qiyaasaa 48, Dumarkana Dhimashada carruurta yaryar waxaa lagu qiyaasaa in kii ilmoodba ay ka mid ahi dhintaan. Waxyaabaha la dhoofiyo: Waxyaabaha Somaliya laga dhoofiyo waxaa ka mid ah ; Xoolaha nool, Muuska, Kalluunka iyo Cusbada.

Waxyaabaha dibadda laga keeno: waxaa dalku dibadda ka keensadaa; Shidaalka sifaysan, Cuntooyinka kala duwan, Dawooyinka kala duwan, Makiinadaha ama Matoorrada, qalabka dhismaha iyo waxyaabo kale oo fara badan. Khayraadka dabiiciga ah: Dhulka Somaalidu sidiisaba waa dhul weli iska dihin oo aan cid wax kala soo baxday jirin, khayraadkiisii oo dhanna weli ku kaydsan yihiin, waxyaabaha la hubo ee dhulka Somaliya ka buuxana waxaa ka mid ah; Saliidda, Gaaska la shito, Birta, Uraniuom, Beril, Tiin iyo kuwo kale oo fara badan.

Waxaase jira sahamo fara badan oo shirkado Maraykan iyo Yurubta Galbeed ay sameeyeen oo dhammaantood sheegaya in khayraadkaasi dalka ka buuxo. Waxaa Soomaaliya diintu ku soo gaartay qaabka wacyi galinta ama hanuuninta ah, kuma aysan soo galin qaabka dadyowgii jihaadka lagu muslimayay. Kooxdu waxay ka soo degeen xeebta magaalada Saylac ee woqooyiga dalka Soomaaliya, dadkii Soomaalida ee halkaas deggenaa ayaana magan galiyay oo si wanaagsan u soo dhaweeyay. Muddada ay kooxdaasi magaalada Saylac iyo agagaarkeeda ku nagaadeen dhab ahaan looma hayo, balse waxaan la isku diidanayn in ay halkaas in muddo ah joogeen, dadka Somalida ahna ay diinta Islaamka gaarsiiyeen, muddo ka dibna waxay u tallaabeen dhinaca dhulkii Xabashida, halkaas oo Boqorkii Xabashidu magan gelyo ku siiyay uuna u oggolaaday inta dalkoodii nabad ka noqonayo in ay si nabad gelyo ah dalkiisa ku joogi karaan.

Diinta Islaamku dhaqanka Soomaalida si weyn ayay uga dhex muuqataa, uguna milan tahay, waxayna qofka Soomaaliga ah la bilaabataa, marka ay Hooyadiis iyo Aabihiis is guursanayaan, diinta Islaamka ayaa labada Soomaaliga ah ee is guursanayaa isku meher sadaan, isku qabaan, iskuna furaan ama ku kala tagaan, dhammaan xuquuqda iyo waajibka qoyska Soomaaliga ah waxaa saldhig u ah oo uu ku dhisan yahay diinta Is-laamka.

Haddii ay dhacdo in iyadoo gabadho inan tahay isla markaasna geyaankiisa ay tahay uu isagu diido ama reerka uu ka dhashay ama Aabihiis u diido, waxaa dhici jiray dagaal labada reerood dhexe mara oo dad badani ku dhintaan. Haddii nin dhallinyaro ah ee aan wali guursan ama nin xaas leh midkuu doono ha ahaadee uu galmo xaaraan ah ama gogol dhaafba la sameeyo naag nin u dhaxda, taas oo ay iyaduna raalli uga noqotay oo rabitaankeeda ku dhacday, wax sharciga Islaamka waafaqsan laguma qaado, wax Xeer Somali ah oo ka yaalla ama qodob Xeerka Somalida ka mid ah oo lagu qaado ma jiraan, waxa ugu badan oo dhacaa waa in ninkii naagta gogol dhaaftay qabay uu iska furo ninkii naagtiisa u gogol dhaafayna uu la dagaallamo ama dilo oo uu qudhaba ka jaro iyo in ninka iyo naagta isu xaaraan galmooday dadku xantaan oo meelaha laga sheegsheego.

Waayadii hore, isu galmoodka xaaraanta ah dhaqan ahaan dadka Somalida laguma aqoon jirin, waxay ahaan jirtay wax marka la maqlo lala yaabo oo sheeko ma hadho ah rebta, haddii ay dhacdo in gabar ugub ama Haweyney guri gashayba in ay gogoldhaafto oo ay iyadoo raalligeeda ah xaaraan galmooto, bulshada Somalida dhexdeeda waxay ahaan jirtay ceeb iyo fadeexad weyn, waxayna taasi sabab u noqon jirtay in ay gabadhaasi ama qoftaas dumar ahi iskaga cararto oo ka qaxdo degaankaas, una qaxdo degaan aan laga aqoonin, balse wax sharci ama xisi ah oo lagu qaadi jiray ma aysan jirin ee damiirka ayaan u oggolaan jirin in ay degaanka ku sii noolaato.

Wax Xeer cusub ama Xeer gaar ah oo uu la kulmayana ama isaga si gaar ah loogu dhaqayana ma jiro. Haddii ay jirto in caadooyinka qaarkood ay gobolladu ku kala duwan yihiin, waxaa jirta in habka wada noolaanshaha Somalidu uu guud ahaan mid dhib yar yahay.

Taas macnaheedu ma ahan in Somalida dhexdeeda oo kaliya ay isdhexgalka ku fiican tahay, balse dadka shisheeyaha ah qudhooda ayaa si dhib yar u dhex gali kara ulana noolaan kara bulshada Somalida. Haddaad aad ugu sii dhabba gasho dagaallada qabiil ee Soomaalida dhex mara, waxaa si weyn uga dhex muuqda, saykaloojiyad ku tusaysa isla weyni aad ah iyo magac ku dirir ku dhisan ma reer hebel baa naga adkaan kara, hadii reer hebel naga adkaadaan gabadhayadu guur ma leh, war yaynaan gumoobin iwm.

Intaas kaliyana kuma ekaato ee waxaa iyaguna dabka baxay sii huriya afmaallada qabiilooyinka aan labadaan midna ahayn, balse iyagu gabayo diro diro iyo guubaabo ah u dira kuwa laga adkaaday. Dhinaca kalena, laandheerennimadu waxay kaloo ka dhex muuqataa qaabka degaanka beelaha Soomaalida, marka aad aragto Gobol ama Degmo magac qabiil wadata, taas micnaheedu waa in qabiilkaasi laandheere yahay, maxaa yeelaya sida caadada Somalidu u badan tahay, qabiilooyinka yaryar badanaaba Gobollo ama Demooyin looguma magac daro, qabiilba qabiilka uu ka badan yahayna waa uu ka dhul ballaaran yahay.

Qabiilba qabiilka uu ka badan yahay waa uu ka dhul ballaarsi iyo damac badan yahay, kana socod iyo geeddi badan yahay, taas oo badanaaba dagaallada iyo xurgufooyinka beeluhu ka bilawdaan, sidoo kalena, qabiilba qabiilka uu ka badan yahay, waa uu ka xiriir ballaaran yahay oo qabiilooyinka kale uga dhaw yahay, gaar ahaan gabdhaha ayaa aad looga guursadaa, waxyaabaha guurka Somalida lagu hidde raaco waxaa ka mid ah landheerenimada reerka ay gabadhu ka dhalatay iyo midka wiilku ka dhashay labadaba.Waxaa qoray: Cabdullaahi Xasan Maxamuud khaliil.

Mujtamaca Soomaalida oo Bariga Afrika ku noolaa muddo badan wuxuu soo maray taariikho kala duduwan iyo qowmiyado ku kala horreeyey deegaanka. Taariikhda aan ka hadleyno oo ka soo bilaabaneysa qarnigii sideedaad waxaan uga hadli doonaa intii Soomaalida soo gumeysatay, mutjamacyadii ku soo noolaa iyo xukuumadihii ay lahaan jireen magaalooyinka caanka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Xeebaha.

Taariikhdaan oo aan ka soo dheeganeeno Buugaag waqtiyo fog horey loo qoray iyo Dukumintiyo ay qoreen dad Bad-mareen ahaa oo magaalo Xeebeedyada Soomaaliya imaan jiray. Waxaan si faahfaahsan ugu xusi doonaa taariikhdaan oo inta badan aan ka soo qaadaneyno buug uu qoray nin Carab Soomaali ah oo lagu magacaabo Shariif Caydaruus Cali Abuubakar, ninkaasoo si fiican ugu faahfaahiyey waxa ay ahayd Soomaalidii hore. Maxaa la oran jiray Muqdishooyin?

Meeqa gumeyste ayaa soo martay Soomaaliya? Haddii aan ka bilowno waa Maxay Muqdishooyin? Muqdishooyin oo dadka Carabta ahi ugu yeeri jireen Maqaadiish waxaa laysku oran jiray magaalooyinka Muqdisho, Merka, Baraawe, Cadale iyo War-shiikh. Sida uu xusayo Buugga Bugyatul-aamaal Fii Taarikhi-Soomaal, mararka qaar magaalooyinkaan marka laysku geeyo ayey dadku u aqoon jireen Banaadir iyadoo Caasimadda Muqdisho gaar loo oran jiray, taariikhdaasoo aan iyadana la aqoon waqtigeed cayiman.

Waayadaas dadka ku noolaa magaalooyin Xeebeedkaan waxay ahaayeen dad xagga Ganacsiga ku fiican oo ay caado u ahayd marka ay safraan in haddii ay arkaan meel deegaanka ku haboon aysan dib ugu laaban halkii ay ka soo safreen oo halkaas deegaan guryeed hor leh ka sameystaan, taasoo badisay deegaanka dadeysan ama la degan yahay ee dhulka Soomaalida.

Taariikh yahanadu waxay sheegaan in magaca Muqdisho uu ka yimid amaba loogu magac darray Maqcaddu shaah oo macnaheedu yahay goobta uu fariisto Boqorka cajabiga ah ee aan Carabka ahayn. Markii uu caan noqday Makaanu fadhiga loogu magic darray Caasimada taariikh aan la ogeyn ayey qubaro Carab ahi soo gaabgaabiyeen labada eray ee is garab yaal ee Maqcad iyo Shaah oo ay ka soo dhigeen Muqdisho. Erayga Maqcad ayaa waxaa laga jaray xarafka caynka, markaas ayaa la isi saaray kalimadaha Maqad iyo Shaah, markaas ayuu Eraygii ku noqday Maqad-shaah, iyadoo haddana xarafka Alif ee ku jira Shaah marka uu Carabi ahaan u qoran yahay loo beddelay Waaw ama Wmarkaasoo uu magacii noqday Muqdishoh, intaas kaddib dadka qaar kuwana sidaan ayey u adeegsan jireen, kuwa kalana xarafka?

Taariikhdaas fog waxay dadka qaar qabeen in magaca Muqdishoh uu asal ahaan ka yimid goobtii Xoolaha lagu kala gadanaayey, waxayna dadkii wax qori jira ee xilligaas inta badan adeegsan jireen ku dhawaaqitaanka ah, Muqdishoh?. Dhammadkii Qarnigii aad mar Bortaqiisku ay qabsadeen Xeebaha Bariga Afrika ayey iyaguna ugu yeereen magaca magaaladaan Mogadixo, oo dhawaaq ahaan ay Carabiga is shabahaan maadaama xarafka X afafka Bortaqiiska iyo Spanish-ka uu ku yahay xagga dhawaqa Sh.

Waxay sheegeen taariikh-yahanadu in Xamarweyne oo ku taala Xeebta Muqdisho waqtiyadii hore laysku oran jiray laga soo bilaabo degmada Karaan ilaa Xeebta Xamar-yare oo hadda loo yaqaano Xamar-jajab. Shariif Caydaruus oo ka mid ah Taariikhyahanadii Soomaaliya wax ka qoray waxa uu sheegay in magaca Xamarweyne uu baxay kaddib markii halka hadda loo yaqaano uu soo gaaray nin Lug ka hitinaya isagoo watay hal gaduudan, isla markaana ay Haweeeneydiisu ku hoggaamneysay.

Markii uu soo gaaray goobtii horey loo oron jiray Mal-mala oo ku taalay meel ku dhow Masaajidka Arbaca-rukun ayuu joogsaday, wuxuuna ka degay Hashii xilli Salaaddii maqrib ay soo dhaweyd si ay u tukadaan isaga iyo haweenaydiisu, iyagoo weyso qaadanaya ayaa waxaa u yimid afar qofood oo safar ah, salaan ayeyna is dhaafsadeen.

Markii ay isla tukadeen kaddib ayaa afartii qof ee ninka Hasha-watay u yimid waxa ay ka codsadeen in uu marti qaado, wuxuuna u sheegay in isaguba uu yahay qof safar ku ah meesha oo aanuu deganeyn, haddana wuxuu ka aqbalay inuu habeenkaas noqdo sida nin meesha degan oo uu marti qaado dadkaas safarka ah uuna u gowraco Hashii kaliya ee uu gaadiid ahaan u watay.

Hashii ayaa la gowracay, hilibkeedii ayaana habeenkaas la waday cunay, xilligii hurdada ayaa kuwii martida ahaa waxay ka codsadeen martiqaadihii in uu u keeno maqaarka Hasha oo uu agtooda ku soo fidiyo, wuuna ka aqbalay. Martiqaadihii iyo Haweeneydiisii meel ayey wada jiifteen, kuwii ay marti qaadeena meel kale ayey jiifteen, Salaadda subax ayaana la waday kacay, waana la wada dukaday, wax yar kaddib ayuu ninkii diray haweeneydisii, isagoo ku amray inay soo eegto xaaladda dadkii martida ahaa, markii ay meesha tagtay weyba maqan yihiin, waxaana meeshii yaala Maqaarkii oo ay ku jiraan jajab dahab ah.

Haweeneydii wey soo laabatay, ninkeedii ayeyna arrinta u sheegtay, markaas ayey dahabkii qaateen iyagoo bilaabay aas-aas deegaaneed cusub kaasoo markii dambe noqday mid aad u camiran looguna magic daray Xamarweyne ka dib markii dad badaini soo degeen. Marka magaca Xamarweyne ayaa waxa uu iska saaran yahay labo eray oo midkood yahay Carabi, midka kalana yahay Soomaali, kuwaasoo kala ah Xamra oo loola jeedo Hashii gaduudneyd iyo Weyn oo loola jeeday maqaarkii weynaa ee Dahabka faraha badan laga dhex helay laguna dhisay deegaankaan weyn ee Xamar-wayne.

Magacaan ayey culimadaasi ka keeneen xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Neysaabuur oo ay iyagu ka yimaadeen, isla markaana la dhihi jiray mid ka mid ah xaafadaheeda Shangaani. Qaar kale oo ka tirsan taariikhyahanada ayaa sheegay taa mid ka beddelan iyagoo ku doodday in magaca Shangaani uu ka yimid buur ku dhow Badda oo meel ka mid ahi intey dilaacday ay ka soo gudbi jireen biyaha Badda, iyadoo meeshaas ay dadku dharka ku dhaqan jireen kuna qubeysan jireen, magaca Shangaanina uu meeshaas kasoo ifbaxay.

Buurtaan ay sheegeen in magaca shangaani uu ka yimid ayey tilmaameen in magaalada Muqdisho ay wax xoogaa ka fogeyd oo ay ku taalay meel saacad iyo bar looga luggooyo Muqdisho. Waxay sheegeen taariikh-yahanadu in dadkii ugu horreeyey ee dega magaalada Muqdisho ay ahaayeen dad Carab ah oo ka yimid Jasiiratul-Carab.

Waxay sheegayaan taariikhyahanadu in dadka Carabta ahi ay Muqdisho soo dageen sano ka hor, taasoo noqoneysa xilli ka horreeya dhalashadii Nebi Ciise Calayhi Salaam.

Dadka xilligaas soo degay Muqdisho inkastoo lagu tilmaamay Carab haddana waxaa la sheegaa in ay midab ahaan kala duwanaayeen oo qaarkood cad caddaayeen, qaarkoodna ay maariin ahaayeen, iyadoo ay jireen qaar kale oo leh midabo kuwaasi ka duwan balse ka agdhow. Soomaaliya markii ay soo dageen dadyowga Carbeed ee ka yimid Jaziiradda Carabta waxay saameyn ku yeesheen magaalooyinka Xeebaha ah oo ugu badnaa meelaha ay dageen, sidaas darteed ayey Soomaalidu maadaama ay yihiin dad Muslim ah waxa ay qaateen madaahibta fiqhiga ee Islaamka.

Shariif Caydaruus oo ka mid ah raga wax ka qoray Taariikhda Soomaalida waxa uu leeyahay: Soomaalidu waxa ay waqti hore qaateen madaahibta shaaficiyada iyo xanbaliyada, iyadoo qaar ka imid ahna ay kala haystaan madaahibta maalikiyada iyo xanafyada.

Waxay sheegeen taariikhyahanadu in Soomaalidu ay xilliyadoodii hore ahaayeen dad kooxo kooxo ama qeybo qeybo ah, isla markaana aan lahayn Suldaan, balse waxay qolo walba lahaan jirtay Sheekh kaasoo ay ka amar qaataan. Wax kasta oo dhaca waxaa loola laaban jiray Sheekha qoladu ay leedahay, waxaana wadaadada xilligaas loo arki jiray kuwa ugu horreeya bulshada, wax la sameyn jirayna ma jirin, iyadoo aan laga amar qaadan.

Xittaa marka ay dad ganacsato ahi dibadaha ka yimaadaan waxaa qasab ahayd in marka hore ay ku soo dagaan Sheekha deegaankaas looga dambeeyo, isla markaana uu uga warramo danaha uu u socdo, markaas kaddib ayuuna Ganacsadaha dibadda ka yimid uu howlihiisa qabsan jiray.

Soomaalidu waxay ka mid ahaan jireen dadka caqiidada toosan ee Islaamka sida adag ugu dhagan, waxayna u safri jireen dhulalka baadiyaha ah iyo tuulooyinka fog fog iyagoo bilo maqnaanaya si ay u soo bartaan Diinta Islaamka, mana saameyn afkaarihii lagu faafinayey masiixiyadda ee lagula dagaalamayey Diinta Islaamka.

Dadka Soomaalida ahi waxay dhulalkooda ka dhiseen masaajidyo fara badan iyadoo weligeedba magaalada Muqdisho ahaan jirtay magaalada ugu masaajidda badan dalka Soomaaliya.Qaadku xaguu ka bilaabmay?

Taariikhaha ka waramaya Qadaadka waxaa ka mid ah shiikh mahadhabak shaaficiyada macruufka haa Axmed ibnu maxamed ibnul Xajar al haydami wuxuu leeyahay Abuu Bakar baa wuxuu ii soo sheegay in qaadku dadka ka murqaamiyo markay cunaan uu soo xasuusiyo wax yaabo ay waa hore ilaabeen marka uu mirqaanku ka baxan uu qofkii walac iyo war war la soo dersayo waxa kale oo uu sameeyaa buu yiri in manida raga ay soo raacdo kaadida Abuu Bakar baa sidaa ku soo yiri oo yir waa geed kagu cawreeyay Mulimiintii joogtay Yaman, culima badan oo meesha joogtaan wuxuu yiri waxay u arkaan in uu yahay Xaraan.

Fulikideers ninka magacaa leh baa isku dayey inuu ka raadiyo Cafiin inay ku jirto qaadka markaa wu ka wayey waxaa hadan iku Giloof iyo Fulideris iyagoo is adeegsanaya waxana soo heleen Coofeen waxay ku magcaabeen Coofeen istakiman oo joornaalnaal ku qoray wuxuleyahy waa helay maadan walfis isan wuxuu leeyahay kii baanhelay maadan coofeenka inay ku jirto qaadka Farisa iyo Moy iyana waxay shegayan inay kii heelan madan linkar vil iyo denis man iyana bay sheegayan intaas oo culimaba waxay sheegaan inay ka helaan lakiin ninak la layehay wuxu soo saray kimikadan waa nin wolfis wa anika sooraya mada ugu khatarsan waan tan ugu khatarsan.

Maxaa marka loo heli wayey maadan ka khatarsan ku wii hore waa gii hore, maqaadka dadka oo diya. Waa maya ee waxa weeyey waa gii horeba culimaad ku ku soo sheegayan waxay sheeggeen in wax badani ku jirto lakiin aanay cadan karanay, waxaan taa keenay waxaan badan la heli jirin qaadka oocaleentiisu tahay doog ama aad u qoyan tahay iyo qalabka xiliga la isticmalai jiray oo aan la powar ahayan kay ku helin kimikalkan waxay u isticmalain qabka la yirahdo lcg iyo kuwa keliba waxay fudaydiyeen in baaristiisa meel fiican laga gaaro.

Maada kaasiroonka baa waxay ahad dhibteedu 48 sacadd ah hadii uu gaaro in ay isku badasho cofiin waana wuxuu murqaankiisu u yaradaa waa waxa qaad walagu ula ordaa waxay kaloo isku bedesha hadii ay aragto wax ligydh ah waata marka qaadak uu hilaacu qabto uu kubta way kabaxda amarka wax ka mid ah iyana roobka oo marka roob helo way ka baxdaa iyo hawada waata iyana lagu duubaa caleenta muuska iyo geeda marka ay leeyihiin qadka farihii baa ka batay oo waa baraxay wax kale mahee waa hawada waxan kabaxaysa kimikalkii ku jiray.

Maada markaalsiyoon oo lamid ah kaasiloon tii laabka lag u sameey oo ay iagu leeyihiin wa amacmacl la isticmaali karo oo fudud.

March 23, Categories: taariikhaha. Tags: cabdi samed. Author: cabdi samed baashe. You are commenting using your WordPress.

maahmaahyo dadkii hore

You are commenting using your Google account. You are commenting using your Twitter account. You are commenting using your Facebook account. Notify me of new comments via email. Notify me of new posts via email. Sayidka Baashe Create Your Badge. Share this: Twitter Facebook. Like this: Like Loading Leave a Reply Cancel reply Enter your comment here Fill in your details below or click an icon to log in:. Email required Address never made public.

Name required. By continuing to use this website, you agree to their use. To find out more, including how to control cookies, see here: Cookie Policy.Hadii aad baahi uqabto jaceyl, waa in aad iska ilaalisaa nabaro badan oo qatar ku ah jaceylka, waxaa aadtahay wiil dhalinyaro ah ama gabar dhalinyaro ah…….

Sii Akhri. Hadii aad baahi uqabto jaceyl, waa in aad iska ilaalisaa nabaro badan oo qatar ku ah jaceylka, waxaa aadtahay wiil dhalinyaro ah ama gabar dhalinyaro ah, waxaad ku jirtaa xiligii dareen kaaga uu u baahna jaceyl, waxaad rabtaa in aad sameysato saxib ama saxibad, hadaba maxaa kula gudboon in aad sameyso?

Waxa uu wadanka Somalia soomaray xili aad u fiican nabad barwao jaceyl uu ka jiray hadaba xiligaas dadka maxay ahaayen? Maxay isticmaali jireen? Hadaba waagas majirin gabar la xumeyay oo la taahayso wiil ayaa I xumeyay ama dhahayso nimanka Somali waa xun yihiin, majirin wiil leh gabar hebal ayaa dhulka igu jiiday niman kale iga raacday ama jaceyl beena ayeey igu aburtay, waxaas oo dhan waxa bulshadii hore ay ka ahaayen wax ceeb iyo dhaqan xumo ah dad kii hore waxa ay ahaayen xalaalmiirad qeer jeceyl, ilaahayna dhexdoda waxa uu markaas dhigay raxmad ka sheeken mudan dadka oo dhanina wada dhahaan BARI SAMAADKI oo loola jeedo waayo waayo iyo Somali sideey ahaan jirtay ………….

Hadaba meeshaas musiibadaas ay ka jirto maka dhalan karaa Jaceyl ku dhisan run iyo daacad? Sidaa waxa ay ka jirtaa dalkaagi, ok dad ayaa iyaga nasiib u yeeshay dhibkaas in ay ka qaxaan, waxa ay u carareen dowlado kale, waxa ay ka heleen garab iyo taakulen, waxaa lagu siiyay sharci wadan adan u dhalan, maahan marka in aad ilaawda kaagi oodan dib u soo eegin aadna tiraah meshi qaxa aad ku tagtay ayaan ka tirsanahay, ok meeshi aad la tagtay maxaa ku haysaa? Waxaad Uguurta marba gobol, adiga oo raadinaya aduunyo badsi, waxaad iska dhigtaa qof cusub si aad u hesho aqonsi kale, waxad isku maga cowdaa magac cusub iyo aabe aan ku dhalin aduunyo badsi darted, waxaad sheegta been, si aad aduunyo ugu hesho, waxaad tiri naagtadi ma qabo ee waa saxibtay, oo waxaad wecel ku tilmaamtay cunugaagi aduunyo badsi darted, hadaba adiga iyo moorayanka Somalia jooga maxaa is dhaantan adiga aaba ka danbi badan ooba ado xalaal heli karo xaraan wax ku raadinaa, hadaba cunugii lagu koriyay xaraan iyo xoolo aan fiicnen sidee uu ku noqonaa cunug hagaaga?

Hadaba hadii aad dooneyso jaceyl xaqiiq ah waa in aad marxaladahaan oo dhan naftaada aad ka daahirisaa allena danbi dhaaf weydiisataa, kana waan towdaa beenta dabinka xaranta iyo qiyaanada aad u sheegeyso dadka kale.

Intaas marka aad nadiif ka noqoto allena aad ku xirnaato adiga wax ku dhibo ma arkaysid wax kasto ood alle weydiisatana waxaa ku heleysaa si sahlan waxaadna noqoneysa mid gabar fiican hela, bulshada dhamina hadalkiisa ay u riyaaqan xikmadiisa laga helo lana weeneyo, sharaftaasna waxaa ku gaari kartaa adoo alle ku xirnaada si dhaba danbi dhaaf mar walbo u weeydista ku dadaala salaadisa soonkiisa sadaqadiisa xajkisa ku tarbiyeeyo caruurtiisa jidkii alle iyo sunadii rasulikena csw.

Intaas markii bulshada maantay jirtaa laga helaa waxa ay noqonayaan kow ilmahoda ay is jeclaadan diintoda fiicnaato imaan kooda wanaag sanaado wax fiicana u hor seedo umadaha kale, lakin iyada oo aan alle loo noqon wax ma haagayo DAL walaa JACEYL.

Salan sare dhaman aqiyarta kadib waxaad ku mahadsantihin qarolkina faidada badan kole ruxi macqul ah wu ku camal qadadanya rux an jeclahay dacad ban ahay but ima aminsan asaga maxan ku sameyaaa jwb. L kabaqa intaat awoodan. You are commenting using your WordPress. You are commenting using your Google account. You are commenting using your Twitter account. You are commenting using your Facebook account. Notify me of new comments via email.

Notify me of new posts via email. Chishaam aabaha Jaceylka. Share Gareey: Tweet. Like this: Like Loading Fikirkaaga Dhiibo Cancel reply Enter your comment here Fill in your details below or click an icon to log in:.

Email required Address never made public. Name required.D unida aynu kuwada nool nahay waxa ay soomartay marxalado aad ukala duwan, midkastaana waxa uu watay waayihiisa, arrinkasta oo dhacana waxaa jirtay qaab iyo xeelad lagu maarayn jiray, laguna xalin jiray. Waayo waayo iyo heerar kala duwan ayuu soomaray jacaylka, inkasto ay dadyawga dunida ku kala nooli ay ku kala duwanaayeen xagga dhaqanka. Soomaaliyana wajiyo kala duwan ayuu ku soomaray iyadoo waliba intii koonkaan jirayba waxaa xaqiiq ah in uu jiray jacayl, waana mid ku uunnaa ummadkasta qalbiyadooda.

TIIRARKA DHAQANKA & MAAHMAAHYO ABWAAN MUUSE CALI FARUUR (3)

Laga soobilaabo xilligii dunidaan la abuuray, aadanaha lagu sharaxay ilaa Xaawo iyo Aadan jacaylku wuu jiray marxalad kasta ha soomaree. Marka laga hadlaayo jacayl, waxaan kawadnaa ama lagu macneeyaa Caashaqa kaaso ku dhaca laba qof oo iscalmaday sida wiil iyo gabar ama si kale haddaan u dhigno lab iyo dhedig dubaaqoodu isa siiyay in ay is hantaan howl kasta ha umareene.

Waa tii uu lahaa qoraaga buuggaan isagoo ka hadlaya jacaylka:.

Hidde iyo Dhaqan Somali

Jacayl kuma wada dhasheen. Adduunyadaan ma wada joog nayn. Jaan dheer ma wada cayaar neen. Jaceylkii Horre. Soomaalidii hore waxay ahaayeen dad dhaqan leh, kala danbeeya.

Waxaa jiri jirtay in ragga soomaalida safar ugu bixi jireen wadamada aan jaarka nahay ilaa bariga dhexe, carabaha IWM. Waxaana laysku qabay kalsooni buuxda labada ruux ee jacaylka dhabta ah isku qaba, waxaana lakala maqnaan jiray sanado badan, shakina ma kala gali jirin, qof walba waxa uu aamin sanaa ruuxa kale in uusan burin doonin wacadki iyo balantii adkayd in uu ilaalin doono qofkasta. Wiilka iyo gabadha marka ay haasaawe tagayaan waa ay adkayd in si fudud laysku helo, wiilku waxa uu umari jiray rafaad iyo dhib badan.

Gabadhuna sidaa si lamida ayay iyaduna ahayd. Waqtigii hore xiliga haasawaha waxaa lays waydaarsan jiray hal xiraalo, maahmaahyo iyo maasooyin. Ruuxa la waydiiyaa hadduu garto ama ka jawaabo waxaa ku godnaan jiray far, il gooniyana waa lagu eegi jiray. Tusaale yar oo fudud haddaan sooqaato, nin ayaa u soo haasaawo tagi jiray gashaanti gurigeeda jiifta, waxa uu imaan jiray wiilka guriga gabadha, ka dibna waa kicin jiray isagoo iska dhowraya sharqanta si aysan umaqal dadka guriga iyo ardaaga ujiifa.

Wiilka markaas oo kale wuxuu oran jiray:. Mararka qaarna waxaa laysku dhiibi jiray sarbeebooyin midaaso lagu eegayo garaadka wiilka ama gabadha. Haddii wiilka ama gabadhu garato sarbeebtaa waxay ahayd guri gal ah oo lagu hirto ragguna ku goolaaftami jireen.

Haddaan sooqaato heesti sarbeebtu ka marnayn ay iswaydaarsanaayeen fanaanadi weynayd Hibo Nuura iyo Cabdo Cali. Aqal banaan laga taagay bartanka tiir ku lahayn iyo udub meel ku basaasay Allow yaa isku beega waa isku baahan yihiine. Daar weynoo la bineeyay, balaaranoo kala jiidan oo wax bidhaabamona lahayn iyo ileys yaala banaan Allow yaa isku beegga waa isku baahan yihiine. Labaddii isla barbaarta, beerkana iska jeclaada, inay sooban dhigaana ka baqaaya jacaylka Allow yaa isku beegga waa isku baahan yihiine.

Sidaa si lamida ayay dadkii hore isku waydaarsan jireen haasaawe micno ku fadhiya dadkuna ay ka dhaxli jireen murti.

maahmaahyo dadkii hore

Inta badan Soomaalida waxaa lagu tiriyaa wadanka abwaanada, wax kalena ma ahan dadku waxay uqayb samaan mid gabya iyo mid xifdisantaasna waxay keentay in ay la dhoho wadankii abwaanada.Kuwani waa bogag dibedda ah, waxayna ku furmayaan bog cusub. Helitaanka kaydka fanka dahabiga ah ee casrigii fanka Soomaaliya ayaa ah xusuus qiimo badan oo ku saabsan waayihii qadiimiga ahaa ee fanka Soomaalida uu caadaas marayay sida ay qormadan ku faahfaahineyso wariyaha BBC-da Yaasmiin Axmed.

Tobonaankii sano ee lasoo dhaafay, Soomaaliya waxa ay ku caan baxday xasilooni darro iyo faqrinimo. Balse inkasta oo aflaamtii Hollywood-ka ee dhawaanta laga jilay arrimaha Soomaalida sida filimkii Captain Philips iyo Black Hawk Down ay Soomaaliya u muujinayay sidii dal dagaalo sokeeye halakeeyeen iyo burcad badeednimo casri ah.

Haddana dadkii Muqdisho ku noolaa sannadihii toddobaatanaadkii waxa ay kuu sheegayaan qiso taasi ka duwan. Guryaha qadiimiga ee nuurada marsantahay ee xeebta ku yaalamaqaayadaha bunka laga cabo iyo hoteelada geedka qunbaha ka hor baxay ee waddooyinka ku teedsan, iyo astaamo kale ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ay caanka ku ahayd magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Raggu waxa ay lahaayeen timo tuuran ama waxa loo yaqaano Afro, saraawiisha waxa ay ahaayeen nooca holofka ka ah xagga hoose, halka dumarka ay xiran jireen duruuc iyo baati xariir ahmadaxoodana uu daboolan yahay inta badan.

Waxaa jira cadaymo muujinaya ganacsigii faca weynaa iyo dadyoowgii kala duwanaa ee reer guuraga ahaa ee magaalooyinka soo galayay, waxaadna ka arki kartaa naqshadaha guryahawaxayna arrimahan saamayn balaaran ku lahaayeen fankii xiligaasi. Soomaalida qurbaha ku nool ee dalka ugu dambaysay muddo hore waxa ay hadda fursad u haystaan in ay ku nafisaan dib u milicsiga xusuustii waayihii hore kadib markii la soo heley keydka 10, cajal oo heesihii qaarimiga ahaa oo uu soo heley ninka lagu magacaabo Vik Sohonie, wuxuuna ka heley magaalada Hargaysa.

Cajaladahan la helay waxa ay dib noogu celinayaan xili Soomaaliya ay ka jirtey xasilooni dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Inkasta oo uu dalka ku jirey xukun militari, haddane fanka waxa uu ahaa mid aad u bulaalay, waxaana hadda loo aqoonsan ogyahay casrigii qaaraamiga. Muqdisho mar waxaa ku ooli jirey hoteeladii caanka ahaa sida Curubo iyo Jasiira, halkaas oo dhalinyarada ay ku xoomi jireen si ay ugu dheelaan qoob-ka-cayaar marka ay bandhigyada samaynayaan kooxihii Iftiin iyo Durdur.

Fanka Soomaalida waxa uu ahaa mid la wada qarameeyey nooc kasta oo uu yahayba, iyada oo dowladdii xiligaasi jirtey ay dooneysay in ay ku hanato midnimada dadka ku kala qaybsan qabyaaladda. Masraxa qaranka ayaa waxa uu ahaa meesha kaliya ee lagu soo bandhigi jirey fanka noocyadiisa kala duwan, balse waxa uu fanka noqdey qalab uu adeegsaday xukunkii Jeneraal Maxamed Siyaad Barre si uu borobagaandadiisa ugu fidiyo.

Kooxihii jirey sida Iftiin iyo Waaberi waxa ay ahaayeen kuwa suugaantooda ay ku salaysantahay waddaninimo. Mid ka mid ah heesahaasi waa tan Waaberi qaaday ee Obtoobar waa tee, waa tumaa? Heesta waxa ay sidoo kale soo taxaysaa dhacdooyin kale oo dhacay kadib afgambigii ciidamada ay sameeyeen. Caruuraha iskuulaadka Soomaaliya oo dhan ayaa qaadi jirey heestan, iyada oo gaardiska ciidamada ay sidoo kale iyaguna qaadi jireen, waxaana si joogto ah looga siidayn jirey Raadiyoow Muqdishoow.

Ka hor intii aysan caan bixinMaryan Mursal waxa ay ku guuleysataya tartankii Heesaha Hirgalay ee dalka oo dhan laga qaban jirey. Maryan iyo xubnihii kale ee ka tirsanaa kooxihii Durdur, Waaberi, iyo Shareero waxa ay u wada qaxeen dalka dibadiisa, halkaas oo ay illaa maanta ku noolyihiin.

Sannadihii kii waxaa lasoo nooleeyey ciyaaraha iyo heesaha dhaantada oo markii hore ahaa wax miyiga ku kooban. Asal ahaan waxaa la ciyaari jirey iyada oo aanan wax muusig ah ama qalab ah loo garaacin, kaliya jaan iyo cirib ayaa laga tumi jirey si laxan loogu yeelo. Waxaa markii ugu horeysey dhaantada casriyeeyey kooxdii Shareero, iyada oo ay heesta qaaday fanaanadii Qadiijo Qalanjo.

Dhaantada waxa ay aad ugu egtahay heesaha loo yaqaano Raggae sida uu ku doodayo Cabdinaasir Caydiid oo muusiga u garaaca dhaantada, magaalada Hargaysa. Xiligan waxa uu ahaa xiligii bulshada Soomaalida ay aqbashay fanaaniinta dumarka ah, iyada oo lasoo maray in xitaa codkooda la maqlo ay ahayd sheey u macaan sidii timirta oo kale.

maahmaahyo dadkii hore

Caweysyadii Muqdisho, dumarka heesa ayaa soo jiidan jirey taageerayaal ka badan kuwa ragga heesa. Ka hor intii aysan fanka kusoo biirin, Khadra Daahir waxa ay ahaan jirtey orodyahanad, waxa ay sidoo kale ciyaari jirtey kubbada laliska, iyada oo ka qeybgali jirtey tartanada gobolada.

Kadib tobonaan sano oo tiiraanyo ahSoomaaliya waxa ay hadda maraysaa xili dib usoo kabasho dhanka fanka iyo dhanka siyaasadaba ah. Casrigii hore iyo heesihii qaaraamiga ahaa, Soomaalida uma ahan wax lasoo dhaafay oo kale, balse waxa ay u yihiin astaan rajo soo nooleyn ah iyo hiigsiga mustaqbalka. Kaydka heesihii qaraamiga ahaa ee Soomaalida oo dib boorka looga jafay 28 Agoosto Lahaanshaha sawirka Vintage Somalia Archives Image caption Xubno ka tirsan kooxdii Waaberi oo masraxa fuushan sanadkii aadkiimagaalada Muqdisho Helitaanka kaydka fanka dahabiga ah ee casrigii fanka Soomaaliya ayaa ah xusuus qiimo badan oo ku saabsan waayihii qadiimiga ahaa ee fanka Soomaalida uu caadaas marayay sida ay qormadan ku faahfaahineyso wariyaha BBC-da Yaasmiin Axmed.


thoughts on “Maahmaahyo dadkii hore

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *